War Deg Deg:-Dagaal Ka Socda Magaaladda Muqdisho

0

Dagaal u dhaxeeya Ciidamadda Xasilinta Caasimadda iyo Ciidamadda Dowladda Imaaraadka Carabta ay tababareen ayaa ka socda Magaaladda Muqdisho.

Dhawaqa rasaasta ay isweedaarsanayaan  labadda dhinac ayaa laga maqlayaa degmooyinka Muqdisho.

Mid kamid ah dadka xaafadda ayaa idaacadda Simba u sheegay in dagaalka uu si gaar ah kaga socdo Isgoyska Tarabuunka, iyo Xaafadda Horseed.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Imaaraadka ay wadada u diideen darawal Mooto waday.

Ciidamadda Xasilinta oo arintaas ka duulayay ayaa weerar ku qaaday Ciidamada Imaaraadka.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.

Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here