War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay toogasho ka geysteen xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkeynley ee Magaaladda Muqdisho.

Ragg ku hubeysnaa bastooladdo ayaa la sheegay in ay toogteen Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Millitariga Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabi jirey Yuusuf,xiliga la dilayay waxa uu ku sugnaa goob Ganacsi uu lahaa oo ku taala Xaafadda macalin Nuur.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Federaalka oo tagay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen meydka Marxuum Yuusuf, iyaga oo ula dhaqaaqay xarunta dambi baarista e CID-da.

Magaaladda Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo batay dilalka qorshaysan ay geystaan ragga hubeysan iyadoo shalay Degmadda Hodan lagu dilay Nabadoon kamid ahaa kuwa Kasoo jeeda Gobolka hiiran.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here