Jawaari:-“Dadka Dhahaya Wuu Is Casilayaa Wa Riyoonayaan Sharciga Ayaan Ku Kala Baxeynaa”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in uu aqbalay Mooshinkii ay ka keeneen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in muddo 10-cisho gudahood cod loogu qaado,islamarkaana cod uu ku yimid cod-na uu xilka kaga dagayo.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay sheegayay inuu is casilayo, isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid riyo ah.

Sidoo kale  jawaari ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Xukuumadda Soomaliya ay wali haystaan Xarunta golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here