Madaxweyne Farmaajo oo Safarkiisa Qatar u Baajiyay Khilaafka Jawaari iyo RW Kheyre

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka baaqday safar maanta oo axad ah uu ku tagi lahaa dalka Qatar, kadib Casuumaad uu ka helay dalkaas.

Baaqashada Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay khilaafka sii xoogeystay ee ka dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlaamanka Soomaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Farmaajo ayaa la sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xalin lahaa khilaafka Kheyre iyo Jawaari, kaasi oo haatan saameeyay howlihii Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu kulamo la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Gudoomiyaha Baarlaamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa lagu dhaliilay in uusan soo faragalinin khilaafka u dhaxeeya Hay’adaha Fulinta iyo sharci dajinta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here