Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay xili dambe booqasho dhirin galin ah iyo niyad dhis ah waxa uu ku tagay Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamo oo loo diyaariyey in ay fuliyaan howlgalo qorshaysan oo lagu qaadayo goobo lagu tuhansan yahay Al-shabaab.
Ciidankaan oo lagu diyaariyey degmada dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa isku jira Booliska, xoogga Dalka iyo Nabad sugida kuwaa oo u diyaarsan sameeyaan howlgal lagu cirib tirayo Al-shabaab.
Raisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali ayaa warbixin ku aadan diyaar garowga ciidanka waxa ka dhageystay Saraakiisha hogaaminaysa waxaa uuna uu muujiyey tageero isagoo ku hadlayey magaca Madaxwaynaha.
Raisul wasaaraha xukumadda oo wali ku guda jira kormeerka amniga ayaa waxa uu booqday saldhigga degmada Hodan oo uu horay uga soo shaqeeyey waxa uuna kormeeray qaybaha kale duwan ee saldhiga isagoo qaabka uu ku shaqeeyo saldhiga ka wareystay Taliyaha saldhiga degmada Hodan C/fitaax.
kormeerkaan uu Raisul Wasaaraha xukumadda fedearalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre uu ku tagey xalay degmooyinka hodan iyo deyniile ayaa qayb ka ah fulinta qorshaha xukumadda nabad iyo nolol oo ahmiyadda 1aad u yahay amniga isagoo habeen labo habeen ka horna kormeerkaan oo kale ku tagey degmadda Hiliwaa ee Gobalka Banaadir.




