Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd waxa ay Xaafadda Siigaale ee Degmadda Hodan ay ku dileen Allaha u naxariiste Nabadoon Axmed Jimcaalle oo kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaay Gobolka Hiiraan.
Ragg hubeysan ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka Nabadoonka, islamarkaana uu ku geeriyooday Isbitaalka digfeer ee Magaalada Muqdisho oo dhaawac ahaan loo geeyay.
Nabadoonka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay.
Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda dilka.

