Matalaha madaxa midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Francisco Madeira, ayaa kulan uu laqaatay madaxwaynaha maamul goboleedka Hirshabelle Mohamed Abdi Waare waxa uu kala hadlay sidii ay hogaamiyaasha maamul gobolodyeeda u xoojin lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.
“Waxa aan isla falanqeenay sida ay muhiim u tahay in maamul golodyeeda laga caawiyo dagaalada ay kala soo horjeedaan xarakada Al-Shabaab si ay u hantaan dhamaan gacan ku haynta deegaanaada ay ka arimiyaan ayagoo taageero xoog leh ka helayo kuwa nabad ilaalinta midowga afrika ee amisom”, ayuu yiri matalaha madaxa midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Francisco Madeira.
Madeira oo sidoo kale ah madaxa ugu sareeyo ciidamada AMISOM ayaa si gooni ah u sheegay in caqabado waawayn ay ku hor gudbanyihiin hanaqaadka maamul goboleedka Hirshabelle, oo ah maamulka ugu yar 5’ta maamul goboleed ee hoostaga dowladda Faderalka Somaliya.
Midowga Afrika waxa ka go’an in ay si dhaw ula shaqeeyaan maamul gobolodyeeda soomaaliya si ay nabad iyo xasilooni uga keenaan deegaanada uu ka taliyo maamulkooda, ayuu hadlakiisa sii raaciyay Francisco Madeira.
Kullanka ay sida wadajirka ah u yeesheen madaxwaynaha maamul goboleedka Hirshabelle Mohamed Abdi Waare, iyo Matalaha madaxa midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku soo aadaya xilli horaantii bishan ay xarakada Al-Shabaab sheegteen in ay ku dileen illaa iyo 80 askari oo Amisom katirsan xili ay weerar ku qaadeen Degmada Balcad oo kamid ah degmooyinka uu ka arimiyo maamulka Hirshabelle.

