Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka hadashay amar la sheegay in ay soo saareen Xarakadda Al-shabaab oo ku aadan in la xiro qaar kamid ah Garoomadda Salaxa ee ku dhow xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Soomaliya C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in amarka la sheegay in uu kasoo baxay Al-shabaab uu yahay mid Hanjabaad ah,islamarkaana ay diidan yihiin in ay shacabka Soomaliyeed helaan Nabad.
Waxa uu sheegay in Magaaladda Muqdisho ay si buuxda u maamusho Dowladda Soomaliya, islamarkaana ay Talaabo ka qaadi doonaan cid walba oo u hogaansanta amarka Al-shabaab.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaliya ay qaadanayso Mas’uuliyadda xaqiijinta amniga muwaadiniinta Soomaliyeed, islamarkaana cidii qaadata amarka Al-shabaab in ay sharciga horgeyn doonaan.
Inkastoo war cad oo kasoo baxay Xarakadda Al-shabaab uusan jirin oo loogu hadlaayo in la joojiyay ku ciyaarista Garoomadda Salaxa qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka banaadir,hadana qaar kamid ah Milkiilayaasha ayaa sheegay in lagu soo wargaliyay in ay howlahooda joojiyaan ilaa amar dambe.

