Akhriso:-Somali-land Oo Hakisay Wada-hadalkii Ay Soomaaliya Kula Jirtay.

0

Xukuumadda Somali-land ayaa sheegtay in muddo bil ah dib loo dhigay wada-hadalkii ay la lahaayeen Soomaliya oo la filyay in bisha soo socota lagu qabto dalka Jabuuti kadibna loo wareejiyo Switzerland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somali-land Dr Sacad Cali Shire oo wariyayaasha kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in muddo bil ah dhankooda ay dib u dhigeen wada-hadalkii ay Soomaliya la haayeen.

“Wada hadallada in aynu Somalia la galno waa kii baarlamaanku ansixiyay kamanaynu noqon laakiin, wakhtigan xaadirka duruuftii saamaxaysay in la wada hadla ma jirto, marka bil baanu dib u dhignay wada hadalladii, marka bishu dhammaatana waynu eegayna duruuftu sida ay tahay in aynu wada hadalladii la bilawno iyo in kale,” Sidaas ayuu yiri wasiir Sacad.

Dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibadda Somali-land waxa uu difaacay heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera waxaanu sheegay in ay warqado mawqifka Somaliland caddaynaya ka daba gayn doonaan warqadaha Soomaaliya u dirayso ururada gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here