Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay furitaanka Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka iyo aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa digniin u direy shirkadaha iyo dalalka Shisheeye ee xadgudubka ku haya Qaranimada iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ka go’an tahay ilaalinta iyo midnimada Qaranka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay Ganacsi iyo maalgashi,balse ay diidan tahay in lagu xadgudbo midnimada qaranka.
“Cid kasta oo dooneysa inay maalgashato dalka waa inay ogolaasho ka heshaa hay’adaha dastuuriga ah ee dalka. Waxaan uga digayaa wadamada iyo shirkaddaha shisheeye inaysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed..” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Hadalka Madaxweynaha Soomaliya ayaa kusoo beegmay xili uu xumaaday Xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaliya iyo Imaaraadka Caraba, kadib heshiiskii Shirkadda DP World ee Dekadda Magaalada berbera.

