Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Byle oo maanta shir jaraaid qabtay ayaa ka hadlay waxqabadka wasaaradda bisha Febraayo,warbixin hay’adda Lacagta adduunka ay ku ammaantay horumarka ay dowladdu ka sameysay hanaanka maamul maaliyadeed ee Dalka iyo wadahadallo u socda ganacsatada iyo Wasaaradda oo ku aadan bixinta Canshuuraha.
“Warbixintii ugu dambeysay oo ay soo saartay IMFT guul ayaan ka gaarnay,taasina waxaa ku mahadsan madaxda Dowladda Soomalaiya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha iyo ra’iisul Wasaaraha,oo dalkani ay siiyeen muhiimad gaar ah in uu horumar ku talaabsado,marka waa kaas Warkii kasoo baxay IMFTA,marka hore waxaa la yiri dhowr iyo labaatanka qof ee guddiga ugu sareeya ayaa qofkasta wuxuu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in horumar ay ku talaabsato”.Ayuu yiri Wasiir Beyle.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay jiraan wada hadallo ku aadan bixinta canshuuraha oo ay kula jiraan ganacsatada.
“Waxyaabo badan ayaa inoo suura galay waxaa kamid ah in canshuurta aan heshiis ka gaarno,in hoteelada aan ku soo rognay boqolkiiba 5% way naga aqbaleen,anagana waxaan balanqaadaynaa in aan ku bixino sidii loogu talagalay”.ayuu intaasi ku daray C/raxmaan Ducaale.
Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo hadal qaaday bixinta mushaharaadka shaqaalaha Dowladda,isagoo xusay in uu saxiixay Mushaarka bixintiisa.
“waxyaabo badan ayaa ina horyaala, waxaana ka mid ah in aan bixino wixii nagula leeyahay,waxaana ka mid ah bixinta mushaaraadka shaqaalah Dowladda,hadda waan bilownay,waxaan saxiixay inta badan mushaaraadka maalmihii ugu dambeeyey, weyna bilowdeen ,marka waxaan leeyahay dhammaan Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda bixiya canshuuraha si uu dalka horumar u gaaro”
Guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah hagaajinta hanaanka maamul Maaliyadeed ee Dalka,taasi oo keentay in hay’adaha Dhaqalaah caalamku ay ku dhiiradaan xoojinta wada shaqeynta Dowladda.

