Kooxo hubeysan ayaa caawa waxa ay Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo ku sugnaa Xaafada Zeybiyaano ee degmada Hodan.
Inta la xaqiijiyay 1-ruux oo bajaajle ahaa ayaa ku dhintay rasaas ay fureen Ciidamadda Dowlada Soomaliya,waxaana sidoo kale jirey khasaaro soo gaaray Ciidamada la weeraray.
Mid kamid ah dadka degaaanka oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Ciidamadda bambadda lagu tuuray ay ku sugnaayeen Suuqa Caanaha lagu gado ee Zeybiyaano,islamarkaana weerarka kadib ay fureen fara badan.
Kooxihii ka dambeeyay weerarka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana dagan xaaladda isgoyska Zeybiyaano ee degmada Hodan.

