Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas culus laga maqlay bartamaha magaalada kadib markii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab weerareen saldhigga booliiska ee magaalada.
Goobjoogayaal ayaa Simba u sheegay in weerarka loo adeegsaday bambooyin iyo rasaas ka dhacaysa qoryaha boobayaasha.
Ugu yarana afar askari ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo xalay fiidkii dhacay.waxana ku jiray dadka dhaawacmay Taliye ku xigeenka saldhiga bartamaha magaalada Boosaaso Dhame Axmed Maxamed Cali (Sanweyne).
Maamulka Gobolka Bari iyo Taliska qeybta Magaaladda Boosaaso oo aan la xiriirnay ayaan ka jawaabin Taleefoonadooda.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi xalay ka dhacay Magaaladda boosaaso ee gobolka bari.
Weerarkan culus ee lagu qaaday saldhiga magaalada Boosaaso waxa uu imaanayaa xilli dhawaan qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay Gaashaanlle Sare Faarax Ciise Samatar oo ku magac dheeraa Faarax Caato oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Sirdoonka Putland islamarkaana sidoo kale ahaa Tababare Sare oo dhanka Sirdoonka ah.sida Alshabaab ay horay u sheegeen.

