Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa saakay xirey qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Ciidamadda ayaa xirey Isgoyska Tarabuunka ilaa iyo Isgoyska Black Sea degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Isgoysyadaan waxaa lagu arkayaa ciidamadda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed, iyo kuwa Booliska oo shacabka iyo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas.
Sababta loo xirey Wadooyinkaan ayaa loo badinayaan shirka Golaha Amniga qaranka oo galinka dambe ee maanta ka furmi doona Magaaladda muqdisho.

