Maxkamadd ku taala dalka canada ayaa dib u dhigtay musaafurinta Wiil Soomaaliyeed.
Abdoul Abdi oo ah wiil soomaali ah kaas oo markiisii hore ku dhashay boqortooyada sucuudi Arabiya ayaa waxa uu qaxooti ahaan uu ku tagay dalka Canada .
Dhawaantan ayay ahayd markii maxkamad ku taalo dalka canada ay amartay in Abdoal dib loogu celiyo somalia kadib markii lagu helay eedeemihii loo soo jeediyay.
Hay’adda xuquuqul aadanaha ayaa waxa ay si wayn u cambaareeyeen go’aanka ay rabto in dowladda dalka Canada ay dib ugu soo celiso wiilkaan soomaaliga ah.
Abdoal ayaa lagu eedeeyay dambiyo dil ayadoona maxkamadda dalkaasi ay dib u dhigtay qorsha ahaa in dib loogu soo celiyo Somalia asagoona sheegay Abdoul Abdi oo ah 24 in haddii uu Somalia tago uu ka baqayo in ay wax yeeleeyaan xarakada Al-shabaab asagoona sidookale sheegay in uusan aqoon u lahayn afka soomaaliga taas oo caqabad wayn ku noqon karta.
Qareenada iyo ururada u dooda xuquqqda aadanaha ayaa cod saday in dib loo dhigo go’aanka lagu celinayo Abdoal taas oo ay maxkamaddu ka aqbashay.

