Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa Xukuntay Eedeysanayaashii Qaraxii isgoyska Zoobe 14-kii October sanadkii 2017-kii.
Ragga la Xukumay ayaa gaaraya 5-ruux,waxayna ku eedeysanaayeen qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaaladda muqdisho.
Maxkamadda ayaa mudooyinkii dambe waday dhageysiga kiiskaan.
Ragga la Xukumay ayaa kala ah
Xasan Aadan Isaaq Cali Waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
C/laahi Ibraahin Xasan Absuge oo maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in
C/Wali Axmed Diiriye waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah
Maxkamada ciidamada waxa ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay.

