Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dab xalay ka kacay Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Dabkaan ayaa ka kacay Garaash lagu keediyo Al-waaxda loo adeegsado dhismaha guryaha.
Qof kamid ah dadkii ku hantibeelay dabkii xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala degmada Yaaqshid ayaa idaacadda Simba u sheegay in shirkadda korontada Beco ay mas’uul ka aheyd dabkii basbeeliyay Ganacsigii ay lahaayeen.
Shirkadda Korontada Beco ayaa dhowr jeer waxaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka aheyd Dab basbeeliyay Hanti ay lahaayeen Shacab Soomaliyeed.

