Taliyihii Ciidamada Militariga Degmada Buurhakaba iyo Ilaaladiisa oo La Dilay

0

Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ahaa ku dilay Taliyihii ciidamada militariga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Korneel Cabdiraxmaan Cismaan Abroone iyo saddex Askari.

Taliyaha la dilay iyo Ciidamadiisa oo marayay duleedka deegaanka Deynuunay ayaa waxaa jidka u galay dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab.

Korneel Cabdiraxmaan Cismaan ayaa saakay kasoo ambabaxay degmada Buurhakaba, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baydhabo.

Dhanka kale Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya wali kama uusan hadlin dilka Korneel Korneel Cabdiraxmaan Cismaan Abroone iyo saddex Askari.

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro ka geysta Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo aad ay u isticmaalaan Gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa Saraakiisha galbinaya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here