Kooxo hubeysan ayaa caawa Xaafadda Suuq Boocle ee Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Shaqaalaha Madaxtooyadda Soomaliya.
Ragg ku hubeysanaa bastooladdo ayaa toogtay Liibaan Xasan Cabdi oo kamid ahaa shaqaalaha madaxtooyaddda Soomaliya,waxaana la toogtay xili uu la joogay Gabar xiriir wadaag ay ahaayeen oo lagu magacaabo Iqro.
Iqro ayaa la sheegay in kooxda hubeysan ay dhaawaceen,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Goobta uu falkaan ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya,waxaana caawa socday howlgal lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay falka.

