Shacabka Soomaaliyeed Oo La Ogaaday Inta Badan Duqeymaha Mareykanka Ay Khasaaro Kasoo Gaarto

0

Baaritaan uu sameeyay wargeyska the Guardian ee laga leeyahay dalkaBritian ayaa lagu ogaaday in heer aan la saadaalin Karin ay gaareen duqeymaha lala beegsado dagaalyahanada Al-shabaab oo dad shicib ah ay ku waxyeeloobaan.

Tobanaan qof oo shicib ah ayaa lagu dilay halka in kabadan ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhanka ah xarakada Al-shabaab oo mareykanka uu fuliyo kuwaa oo baaritaanka la sameeyay lagu ogaaday in Washington ay kor u qaadeyso teegeerada xagjirnimada.

Waxaa Qorshaha dibadda  maamulka trump ee Africa iyo bariga dhexe kamid ah in dalalka ay ka howlgalaan  dagaalyahanada islaamiyiinta ah in duqeymo laga fuliyo, waxaana la xusay in 34 duqeyn laga fuliyay soomaaliya lixdii bilood ee ugu dambeesay kuwaa oo laba jeer kabadan duqeymihii la fuliyay sanadii 2016-kii.

Dalalka xulafada dhaw la ah soomaaliya kuwaa oo dhaca gobalka ayaa sidoo kale isku baheystay dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab waxaana ay fuliyeen howlgalo badan oo inta badan waxyeelo ka soo gaaray dadka shicibka ah.

Baaritaanka uu sameeyay wargeyska the Guardin ee dalka britian ayaa waxa uu ka tixraacay warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha kuwa caalamka, saraaakiisha dowladda, shaqaalaha caafimaadka, goobjoohayaal iyo ehelada dhibanayaasha dadkooda ay waxyeelada ka soo gaartay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha mareykanka waxaana baaritaaankan ku kooban yahay 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Shan weerar oo dhacday tan iyo bishii julay sanadii 2017-kii waxaa ku dhintay in kabadan 50 qof oo shicib ah halka tiro intaas kabadan ay ku dhaawacmeen waxaana labo kamid ah geestay diyaaradaha mareykanka.

Waxaa jira Khasaare intaas kabadan oo la rumeesan yahay in duqeymaha ay sababeen balse aan wali la soo warin.

6-dii December sanadii 2017-kii Shan qof oo shicib ah ayaa duqeymo diyaaradeed ku dhintay waxaana ku dhaawacmay labo kale sida goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad ay sheegeen balse afhayeen u hadlay ciidamada mareykanka ayaa sheegay in wax duqeyn ah soomaaliya aysan ka fulin 6-dii December.

Duqeyn kale  oo bishii October ka dhacday gobalka shabeelaha hoose waxaa ku dhaawacmay sideed qof intii lagu guda jiray dagaal qaraar oo socday.

Bishii aynu ka soo gudbnay afar qof oo xoolo dhaqato ah ayaa dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen kadib markii la duqeeyay ceel ay biyo ka dhaansanayeen oo u dhaw xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Bishii August ee sanadii hore Todobo qof oo hal qoys ka tirsan ayaa dhintay oo caruur ay kamid yihiin xili duqeyn lala beegsaday deegaano dhaca koofurta maamulka Jubba-land sida dad ehel ah ay sheegeen laakiin saraaakiisha dowladda ayaa sheegay in dhamaan ay ahaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Bishii July isla sanadkii hore afar qof oo saddex kamid ah caruur ay ahaayeen ayaa la dilay waxaana dhaawacmay sideed kale markii duqeyn lala beegsaday xaafad  u dhaw dakadda magaalada Kismaayo ee maamulka jubba-land, goobjoogayaal iyo ehelkooda ayaana waregyska u xaqiijiyay.

Sidoo kale duqeymaha diyaaradaha waxaa ku dhintay tiro badan oo xoolo ah waxaana khasaaro ba’an ay u geesteen kaabayaasha dalaga iyo beeraha.

Warbixin dhawaan ay soo saartay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in 74 duqeyn oo la fuliyay intii u dhaxeysay January 2016-kii iyo October 2017-kii in 57 qof oo shcib ah lagu dilay 14 kamid ah diyaaradaha mareykanka .

Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here