Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd gaaray Degmadda Hobyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa Degmadda Hobyo ku wehelinaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo.
Magaaladda waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdigiisa Xildhibaano, iyo Sanataro maalmo ka hor gaaray Degmadda Hobyo.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa wuxuu la xiriira dhagax dhigida dhismaha Dakadda magaalada Hobyo ee Gobolka mudug.
Dhanka kale Safarka Madaxweynaha uu maanta ku tagay Magaalada Hobyo, ayaa lagu waddaa in uu kusoo gabagabeeyo Safarkii maalmihii lasoo dhaafay uu ku marayay deegaanada Galmudug.






