Kheyre oo Magaaladda Davos Kaga Qeybgalaya Shirka Dhaqaallaha adduunka+Sawirro

0

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Davos ee dalka Switzerland halkaasi uu kaga qeyb galaayo shirka dhaqaallaha adduunka.

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxa garoonka diyaradaha Zürich kusoo dhaweeyay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Faduma Isaniya iyo Soomaalida dalkaasi ku nool.

“Aniga iyo wafdi balaaran oo aan hoggaaminayo ayaa gaarnay dalka Switzerland si aan uga qeyb galno shirka Madasha dhaqaalaha adduunka oo si rasmi ah naloogu soo casuumay,Koboca dhaqaalaha dalka waa ahmiyadda u horreysa ee xukuumaddayda, si dhaqaalaha dalku kor loogu qaadana waa Inaan xiriir wanaagsan oo ku shidan isla xisaabtan iyo daah-furnaan la sameynaa adduunyada”, ayuu yiri Kheyre.

Shirka ka furmaya magaalada Davos ayaa waxaa ka qeyb geli doona Madax ka socota Qaraadda Afrika, waxaana si gaar ah looga hadli doonaa kobaca dhaqaalaha adduunka iyo sidii loo taageeri lahaa dalalka soo koraya.

Raisulwasaare Kheyre ayaa lagu wadaa inuu shirar gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa shirkaan.

Shirkaan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama ay ku jirto dalalka yar ee Africa ka tirsan ee lagu casuumay shirka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here