Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Xarakadda Al-shabaab kadib howlgalo laga sameeyay Degmooyinka Bardaale iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay.
Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Nuurdiin Abuukar Gacma oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha gacanta lagu dhigay ay ahaayeen kuwii dhibaataddda ku hayay shacabka Degmooyinka Bardaale iyo Qansax-dheere.
“Ciidamadda koonfur Galbeed Soomaliyeed ayaa shalay galinkii dambe howlgal ka sameeyay waddo isku xirta Degmooyinka Bardaale iyo Qansax-dheere ee Gobolka Baay,howlgalkaas waxaa lagu soo qabtay 3-nin oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lacago baad ah shacabka deegaanka ka qaadayay,dhawaan ayaa lasoo bandhigi doono”, ayuu yiri Nuurdiin Gacma.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Afhayeenka in Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Dowladda Soomaliya ay sii xoojin doonaan howlgaladda lagu soo qab-qabanaayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee Goboladda Baay iyo bakool.

