Maxkamadd Ku Taala Nairobi oo Wax Dambi ah Ku Waysay Dhalinyaro Soomaliyeed

0

Maxkamadd ku taala dalka  Kenya ayaa sii deysay afar qof oo Soomaali ah kuwaa oo horay  loogu eedeeyay in ay ka dambeeyeen qarax ka dhacay goob lagu mushaaxo oo ku dhextaala garoonka caalamiga ah ee Joma Kenyatta sanadii 2014-kii kadib markii loo waayay cadeymo sax ah.

Sidoo kale raggan Ssoomaaliyeed ayaa dafiray in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi islamarkaana ay xiriir la leeyihiin dagaalyahanada xarakada Al-shabaab waxaana qaraxan uu dhacay afar bilood kadib markii al shabaab ay weerareen xarunta ganacsiga ee westigate mall oo ku dhawaad 100 qof lagu dilay.

Ma jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta oo dhaca magaalada Nairobi waxaana boolisku ay sheegeen in uu Khasaaraha qaraxa lala xiriirinayay muwaadiniintan soomaaliyeed uu sababay burbur soo gaara kaliya nalka maqaayada taa oo gabi ahaanba mugdi ay noqoto halkii uu qaraxa ka dhacay.

Muwaadiniintan soomaaliyeed oo si sharci darro ah ugu xirnaa dalka Kenya muddo dhan afar sano ayaa lagu kala magacaabaa Hassan Abdi Mohamed, Mohamed Osman Ali, Yusuf Warsame iyo Garad Hassan Fer.

Garsoore lagu magaacabo Roselyn Oganyo ayaa sheegay in xeer ilaalintu ay ku fashilmatay in ay soo cadeyso kiisaska loo heystay muwaadiniinan soomaaliyeed oo in muddo ah ku jiray xabsi aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Kenya ee Joma Kenyatta sidaasna loo fasaxay.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here