Madaxweyanaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay Xaflad Lagu qabtay Hoteelka Lico Regance ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu maamulkiisa diyaar u yahay wada-hadal uu la galo Maamulka Ahlusuna waljameeca ee Gobolka Dhexe,
Mudane C/kariin xuseen guuleed ayaa sheegay in uu Maamulkiisa diyaar u yahay wada-hadal uu la galo Maamulka ahlusuna waljameeca isagoona hadalkiisa ku daray in Maamulka Galmudug uu mar walba diyaar u yahay la hadalka dadka kasoo horjeeda siyaasada Maamulka Galmudug,
Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed ayaa sheegay in dhawaan heshiis rasmi ah laga gaari doono Dagaalkii Gaalkacyo ku dhexmaray maamulada Galmudug iyo Puntland.
Maalmihii dambe waxaa la Hadal hayay in uu shir wada-hadal ah ka Furmi doono Magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud kasoo u dhaxeeya Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waljameeca,

