Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Boosaaso

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in gordhwayd uu magaaladaas ka dhacay qarax.

Bambo gacmeed  ayaa lagu tuuray xarunta Ciidanka Taraafikadda Magaaladda Boosaaso,taas oo geysatay khasaaro.

Inta la xaqiijiyay ilaa 2 askari oo ka tirsan ciidanka Taraakadda Boosaaso ayaa la sheegay in Bomkaas ku dhawacmeen,sidoo kale khasaare kale ayaa jira.

Qaraxa kadib Ciidamada amaanka Magaaladda Boosaaso ayaa furay rasaas fara badan.

Sidoo kale caawa waxaa magaaladda Boosaaso ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada amaanka Magaaladaas.

Ma jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan Bam.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here