Puntland oo Somali-land Ku Eedeeysay Mar Kale Taageeradda Al-shabaab+Dhageyso

0

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariisiinta iyo dhaqanka ee Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo wariyayaasha kula hadley magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegay in Somali-land ay taageerto shabaab-ka ka dagaalama Koonfurta Puntland.

Cabdi Xirsi, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay ka shaqayso calqaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland, wuxuuna dhaqdhaqaaqeeda ciidan ee Sool ku sifeeyay mid ay doonaysa inay ku khal-khal galiso socdaal Madaxweynaha Soomaaliya ku marayay deegaanada Puntland.

Wuxuu sheegay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab)  inay yihiin dad jecel nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, balse maamulka Somali-land  ay ka shaqeeyaan sidii ay dhibaatada dalkan ugu raadsan lahaayeen Ictiraaf.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here