Inta la xaqiijiyay 3-askari ayaa ku dhaawacantay mid kalana wuu ku dhintay kadib qarax dhulka lagu aasay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Qaraxaan oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Ceelka caafi Wadadda Warshadaha Degmada Deyniile.
Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay gaariga Taliyaha Booliska Saldhiga Degmadda Deyniile Abtidoon oo xiligaas gaariga aan saarneen,waxayna waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah ilaaladiisa.
Mas’uul ka tirsan maamulka Degmadda Deyniile oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxa markuu dhacay kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaliya,islamarkaana lagu raad-joogo kuwii ka dambeeyay.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Mudooyinkii dambe waxaa Wadadda Warshadaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo badanayay qaraxyadda dhulka lagu aaso ee lala eegto Ciidamadda Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.

