Ciidamo aad u Fara badan oo Maanta la geeyay Magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan kuwa  Kenya oo aad u Fara badan in maanta la geeyay Magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha  Magaalada Mandheera ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya Ali Roba oo warbaahinta Kenya la Hadlay ayaa sheegay kadib markii ay bateen weerarada al-shabaab ay kusoo qaadaan Magaalada Mandheera uu Maamulkiisa ka dalbaday Dowlada Kenya in ciidamada ka Hortaga weerarada al-shabaab in la keeno Magaalada Mandheere.

Mudane Ali Roba ayaa tilmaamay in dadkii ugu badnaaa ee  ku nolaa Magaalada Mandheera ay iskaga barakaceen kadib markii ay cabsi ka muujiyeen weerarada al-shabaab ay kusoo qaadan magaalada Mandheera ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya,

Dhanka kale Weerarkii ugu dambeeyay al-shabaab ay  ku qaadeen Magaalada Mandheere waxa ay ku dileen 2-sarkaal oo ka Tirsanaa ciidamada Booliska Magaalada Mandheere,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here