Al Shabaab oo Weerar Madaafiic Loo Adeegsaday Ku Weeraray Degmadda Waajid

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in Ciidamadda Al-shabaab ay xalay Madaafiic ku gaareen Saldhig Ciidamadda Ethopia  ay ku leeyihiin gudaha degmadaas.

Weerarkaan ayaa dhacay sida wararka ay sheegayaan xalay saqdii dhexe waxaana la sheegay in dhowr madfac ay ku dhaceen gudaha  Saldhig Ciidamadda Ethopia ee degmadaas.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay Madaafiicda ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in Madaafiicda ay dhowr xabo gudaha u galeen Saldhiga Ciidamadda Ethopia  ee Degmaddaas.

Ciidanka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa Howlgallo koox koox ah waxa ay ka wadaan Aagga ay u maleynayaan in laga soo tuuray Madaafiicda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here