Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Soomaaliya oo Loogu Yeeray Golaha Aqalka

0

Xildhibaanadda Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku yeesheen xaruntooda Magaaladda Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa loogu hadlay weerarkii shalay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ay ku qaadeen hoyga  Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka tirsan Golahaasi.

Golaha ayaa sheegay in aan lagu qanci Karin 40 askari oo weerarkaasi loo xiray,islamarkaana ay u baahan yihiin cadeymo rasmi ah.

Ugu dambeyntii Aqalka sare ayaa u yeeray inay Golahaasi hortagaan Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Waxaa kaloo Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Sooamaliya u yeeray taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal C/wali jaamac Gorod si wax looga weydiiyo wixii ka dhacay Guriga Cabdi Qeybdiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here