Baarlamanka Soomaliya oo Ansixiyay Xeer Saxaafada

0

Xildhibaanada Baarlamanka dowlada Soomaliya ayaa goor dhaweyd ansixyay Hindise Sharciyeedka xeerka Saxaafada oo maray aqrintiisa 3-aad sida sharciga ah,

Wariyaha Baarlamanka soomaliya ee Radio Simba Maxamed Yaxye jiinow ayaa kusoo waramaya In  142-mudane ay  kulanka kasoo qeyb galeen iyadoona 139-mudane ay ogolaadeen halka ay ka aamuseen saddex mudane, mana jirin cid diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiir dowlaha Warfaafinta Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos oo ka hadlay ansixinta sharciga ayaa ugu Mahadceliyay xildhibaanada Baarlamanka soomaliya qaabkey u ansixiyeen sharciga,

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here