Sida ay sheegayaan warar soo baxaya waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay Kuxigeenkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Abuukar.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xeer Ilaaliye kuxigeenka xilka looga qaaday digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, inkastoo aan la helin digreetada.
Wararka aya sheegaya in xil ka qaadistiisa ay la xiriirto kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo la sheegay inuu ka hor-yimid qaabka Xeer Ilaalinta ay u wajahday dacwadda lagu soo oogay iyo habkii loo maray xarigiisa.
Dr. Axmed Cali Daahir xeer ilaliyaha qaranka Soomaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu maqlay xil ka qaadista, balse aanay jirin wax warqad ah oo soo gaartay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in xilka Xeer Ilaaliye kuxigeenka loo magacaabay mas’uul kale oo magaciisa lagu soo Muuse Macalin oo markii hore ka mid ahaa kuxigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud e qaranka.
Arintaan ayaa kusoo beegamaysa xili Hey’addaha Garsoorka ayaa isku khilaafsan yihiin kiiska siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame , oo todobaadkaan dacwadii ay dib u furtay Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir.

