Mid kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka Soomaliya oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaar kamid ah ilaalada xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ay jir dil u geysteen .
Nabadoon Sheikh aadan xasan Maxamed ayaa sheegay in ilaalada xildhibaanka ay u geysteen jir dil xoogan isagoona hadalkiisa ku daray in xildhibaanka dhankiisa xitaa uu qeyb ka ahaan dadkii jir dilka u geystay waa siduu hadalka u dhigay,
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay xildhibaanka ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaan inoo suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno si aan kala Hadalno arinta ku aadan in qaar kamid ah ilaaladiisa ay jir dil u geysteen mid kamid ah Nabadoonada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan,

