Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa xil u magacowday Siyaasi Cabdisamad Macalin Maxamuud.
Siyaasigaan ayaa loo magacaabay Madaxa wadahadalada Galmudug.
Warqada ayaa lagu sheegay in Cabdisamad uu Madax ka yahay geedi socodka dhameystirka heshiiska ay gaareen Galmudug iyo Ahlu sunna.
Cabdisamad ayaa xilka haynaya ilaa ay si dhab u midoobaan labada Maamul, isagoo xariirin doona Beesha caalamka, Dowladda federaalka iyo dhinacyada heshiiyey.
Siyaasi Cabdi Samad ayaa waxaa dhalay Macalin Maxamuud Shiikh. Xasan Hogaamiyaha ugu sareeya Ahlu sunnada gobolada Dhexe.


