Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka federaalka Soomaliya ayaa dhaliilay Hanaanka maamuleed ee Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa uu sheegay Siyaasadda Soomaaliya 27 sano ka dib ay u muuqato in ay ku socoto meel aan wanaagsaneyn.
Sidoo kale Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo si gaar ah ula wareegay taladii dalka.
“Runtii aniga hadallada marmarka qaarkood lama gambado marmarka qaarna waan ka xishoodaa laakiin Soomaaliya taladeeda meel xun bay ku socotaa marka caadifadda laga reebo, 27 sano kadib taladii Soomaaliya iney dad kooban ku uruursanaato ayaan darro waaye, marka wax la sheegayana wax toosin bay naga tahay, hub wax wata ma jiraan, aniga Farmaajo wasiir kama doonan, Ra’iisul wasaare kama doonan, agaasime kama doonan hadana kuma qanacsani qaabka uu wax ku wado” ayuu yiri xildhibaan Fiqi.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkaan ka jeediyay kulan loogu magac-daray talo wanaag oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda, iyo siyaasiyiin inta badan dhaliila dowladda Soomaliya.

