Amiirka Dalka Qatar oo Xafladd Sagootin ah u Sameeyay Danjirihii Soomaaliya ee Dalkaasi

0

Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamaad Althaani ayaa Madaxtooyada Dooxa ku qaabilay danjirihii Soomaaliya ee dalkaasi Cumar Sheekh Cali Idriis.

Kulanka amiirka iyo danjirihii  Soomaaliya ee dalkaas waxaa loogu hadlay sagootin uu Amiirka u sameeyay danjirihii Soomaaliya  ee dalkaas oo xilka laga qaaday.

Danjirihii Soomaaliya ee dalkaasi Cumar Sheekh Cali Idriis ayaa ugu mahadceliyay Dowladda qatar sida ay ula shaqeysay mudadii uu xilka hayay islamarkaana mudadaas la wanaajiyay xiriirka labada dal.

Wargeyska Gulf Times  ee kasoo baxa dalka Qatar ayaa daabacay in Danjirihii Soomaaliya ee Qadar Cumar Sheekh Cali Idiriis xilka laga qaadayo islamarkaana Qadar ay sugeyso danjiraha lagu soo beddelayo.

Wadahadalka Amiir Sheekh Tamiim iyo Danjire Cumar Sheekh ayaa ka dhacay aqalka Al-Wajbah ee Qarsiga Amiirka,waxaana ugu dambeeyn Amiirku u sheegay Danjire Cumar in uu u rajeynayo horumar diblomaasiyadeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here