Wararka ka imaanaya degmada Ceel-waaq ee Gobolka gedo ayaa ku waramaya in Labo ka Tirsan Ciidamada Booliska Kenya Maanta lagu dilay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo. Xili ay kusii jeedeen Magaalada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka kenya weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Labo kale oo ka Tirsan ciidamada Kenya,
Weerarka oo ka dhacay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo oo xuduud la Leh Magaalada Mandheere ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa La sheegay in Lagu qaaday Gadiid ay la socdeen Ciidamada Booliska dalka Kenya,
Ilaa Hadda ma Jirto cid sheegatay weerarka ka dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo kasoo Lagu qaaday ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska dalka Kenya wallow warar lagu baahiyay Baraha al-shabaab Lagu sheegay in al-shabaab ay weerarkaas ka dambeeyeen,

