Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaaladda muqdisho ku dilay mid kamid ahaa shaqaalaha shirkadda Green Live oo ka shaqeysa Nadaafadda Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa ka dhacay qeybta Bagaash-ka Gudaha suuqa Bakaaraha ee magaaladda Muqdisho.
Mid kamid ah shaqaalaha Shirkadda oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in wiilka la dilay da’diisa ay aheyd 25-sano jir islamarkaana shirkadda u qaabilsanaa qeybta lacag aruurinta macaamiisha.
Ragii ka dambeeyay dilka ayaa ka baxsaday goobta, waxaana goobta durbadiiba gaaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta kawada baaritaano.
Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka qorshaysan ay fuliyaan shaqsiyaad aan la garanaynin halka ay ka Tirsan yihiin.

