Jeneraal Caanood oo Kaga Shakiyay Masuuliyiin Ka Tirsan Shabellaha Hoose La Shaqeynta Shabaab

0

Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood  Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay kaga shakisan yihiin mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose la shaqeynta Xarakadda Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in masuuliyiinta Gobolkaasi ay fidinayaan dacaayado ku aadan in ciidanka Xoogga dalka Somaliyeed ay dhigteen Isbaarooyin, isaga oo arintaasi ku tilmaamay mid aanan sax aheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taasi ay keentay in ay kaga shakiyaan mas’uuliyiinta Gobolka Shabeelaha Hoose la shaqeynta Al-shabaab oo inta badan weeraro ku qaada degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose.

Jeneraal Caanood ayaa sheegay in mas’uuliyiinta gobolka shabeelaha Hoose loogu sheekeeyay in Ciidamada Dowladda ay isbaarooyin dhigtaan, taasi badalkeeda ay wax ka og yihiin miinooyin shabaab ay ku aasaan Gobolka.

Waxa uu uga digay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose la shaqeynta Al Shabaab, isaga oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in ciidanka la garabsiiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here