Madaxda Galmudug oo Magaaladda Muqdisho Kula Kulmay Xildhibaano+Sawirro

0

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya kula kulmay Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka Galmudug,kuwaasi oo mucaaradsanaa Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulankaan waxaa ka qeyb galay , Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynihii hore ee Ahlusunna haddana ah Wasiirka koowaad ee Dowlad Gobolleedka Galmudug iyo Guddoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka Galmudug.

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay Khilaafkii ka dhex jiray Hay’adaha Dowliga ah ee Dowlad Gobolleedka Galmudug,waxaana Kulanka Qudbado kala duwan ka jeediyay Madaxdii ka qeyb gashay.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa Xusay in Galmudug hadda ay ka heshiisay Khilaafkii mudooyinkii dambe ka dhex jiray,waxaana uu tilmaamay in Galmudug sidoo kale ay la midowday Walaalahood Ahlusunna Waljamaaca.

Dhanka kale Wasiirka koowaad ee dowlad gobolleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka hadlay Kulanka ayaa sheegay in Midnimadda Shacabka Gobollada Dhexe ku nool ay tahay wax Wanaagsan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here