Akhriso:-Liiska Dadka ay Dhibaatada u Geysteen Al-Shabaab iyo Ciidamadda Dowladda Soomaliya

0

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya qeybtiisa xuquuqul insaanka ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay warbixin sanadeed looga hadlayay waxyeellada dadka loo geystay ee ka dhacay Soomaaliya laga soo billaaabo January 2016kii ilaa 14kii October 2017-ka.

Guddiga xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in dagaalyahanadda Al-shabaab ay dhibaatada ugu badan ay shacabka u geysteen, islamarkaana Soomaliya ay ku dhinteen 2,078 qof tan iyo xilligaas.

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, Malleeshiyo kale iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa warbixinta lagu xusay in ay dhibaatooyin badan ay u geysteen dadka shacabka ah.

Halkaan Hoose ka akhriso Liiska lasoo saaray

60% ka mid ah waxa loo aaneeyay Alshabaab.

13% Maleeshiyaad hubeysan

11% dhinacyada Dowladda.

4% Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sidoo kale Warbixinta ayaa falalkan waxaa ay ku diiwaan gelisay degaannada ay dadkani ku sugnaayeen waxaana Maamul Goboleedyada u kala heleen sidan:

Somaliland 208 Qof.

Puntland  413 Qof.

Galmudug 261 Qof.

Hirshabeelle 269 Qof.

Banaadir 2,265 Qof.

Koofur Galbeed 735 Qof.

Jubaland 434 Qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here