Dhado:-“Puntland Mar Walba Way u Diyaarsan Tahay Dagaalka Al-shabaab”,

0

Gudoomiyaha Gobolka bari ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Waceys dhado ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Gudoomiyaha oo ka qeyb galay munaasabad Tababar loogu soo xirayay Ciidamo kamid noqon doono kuwa badda Puntland ee PMPF ayaa sheegay in Puntland ay mar walba u diyaarsan tahay dagaalka Al-shabaab.

Dhanka kale Taliyaha ciidamadda Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriya Faarax  oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay wuxuu u mahadceliyay dowladda Imaraadka carabta, isagoo tilmaamay in Tababarkan iyaga la’aantood uusan hirgalayn.

Mudadii ay socotay Munaasabada xiritaanka Tababarka, ciidamadu waxay soo bandhigeen dhooltus ay ku muujinayeen siday ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo ilaalinta dalka, waxaana la guddoonsiiyay qaarkood shahaadooyin iyo abaalmarino kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here