Faah-faahin:-Hay’adaha Amaanka oo Fashiliyay Qarax Gaari Lagu Soo Xiray

0

 

Ciidamada amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa xalay fashiliyay qarax gaari lagu soo xiray oo la doonayay in weerar lagu geysto.

Ciidamadda oo xog hayay ayaa gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxa ay ku qabteen Ex-control Balcad, waxaana baxsaday qofkii gaariga waday.

Saraakiisha Amniga iyo Kooxaha miino baarista ayaa ku guuleystay iney kala furaan walxihii la isku soo xiray, iyadoo ciidamada ay ku radjoogan ninkii waday gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Dagaalyanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo ka geysta Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here