Waxaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan gaaray wafdi uu Hogaaminaayo Musharaxa Madaxweynaha Maamulada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Cabdi raxmaan Xuseen Cadoow,
Waxaa Garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay odoyaasha. Waxgaradka . siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan kuwasoo watay sawirada Musharaxa xilka Madaxweynaha Hiiraan iyo shabeelaha dhexe Cabdi raxmaan Xuseen Cadoow,
Ugu Horeyntii Nabadoon Shuuriye Xuseen oo kamid ah golaha odoyaasha dhaqanka ayaa ugu horeyn soo dhaweyey wafdiga waxa uuna sheegey in loo baahan yahay in musharax kasta ee kasoo jeedo gobolka in uu yimaado magaalada Beledweyne si uu ula kulmo qeybaha kala duwan ee bulshada
Dhanka kale Cabdi raxmaan Xuseen Cadoow oo saxaafada kula Hadlay Gudaha Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha Maamulka Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe uu wax badan u qaban doono dadka Gobolka Hiiraan ku Nool,
Dhawaan ayaa la Filayaa in uu Furmo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaana jira Musharixiin kale oo u Taagan qabashada xilka Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.





