Wararka ka imaanaya jasiirada yar ee Malta ayaa ku waramaya in shil gaari oo ka dhacay magaalada Gozo ee jasiirada malta uu dhaawac kasoo gaaray 4 dhalin yaro soomaaliyeed oo mid ka mida yahay darawalkii gaariga ay la socdeen dhalinyarada shilka ku dhaawacantay.
Gaari nuuciisu yahay kuwa raaxada oo ay dhalin yaradaan Soomaliyeed la socdeen ayaa ku dhacay gaari kale oo ah kuwa yar yar ee gaarka loo isticmaalo.
Afartaan dhalin yaro ee shilka gaari ku dhaawacantay ayaa la sheegin magacyadoodu inkastoo booliska Malta ay soo bandhigeen da’doodu oo lagu kala sheegay 19, 20, 21 iyo 27 sano jir.
Laba ka mid ah ayaa dhaawacoodu yahay mid halis ah kaasi oo loo qaaday isbitaal ku yaalo magaalada Gozo ee jasiirada Malta, halka labada kale uu soo gaaray dhaawac fudud.
Afhayeen u hadlay Laamaha booliska Malta ayaa sheegay in ay baari doonaan waxa dhaliyey shilkaan gaari oo ay ku dhaawacmeen dhalinyarada soomaalida ah isagoona meesha ka saaray inay jirto wax dhimasha ah.
Jasiirada Malta ayaa ah jasiirad ku dhex taalo badda dheer ee madheteriiniyan waxaana ay jasiiradaasi ku taala qaarada yurub halka sidoo kale ay xad kala wadaagto qaar ka tirsan dalalka waqooyiga afrika kuyaala sida libiya iyo Tunusiya.

