Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya kadib safar gaaban uu ku gaaray Dalka Kenya.
Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya,Wasiiro iyo xildhibaano la Tirsan Galmudug iyo Gudoomiyaha Gobolka banaadir Taabid Cabdi Maxamed .
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf ayaa Garoonka Magaaladda Muqdisho waxa uu kulan kula qaatay saraakiil ka tirsan beesha Caalamka.
Madaxweyne Xaaf wali ma uusan ka hadlin safarkiisa dalka Kenya iyo kulan uu la qaatay Madaxweynaha maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo isna gaaray Magaaladda Nairobi.
waxa uu sidoo kale maanta ku wajahan yahay Magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee Dowladd goboleedka Galmudug.





