Dowladda Imaaraadka Carabta oo Jabisay Cunaqabateynta Hubka Saaran Soomaliya

0

Warbixin ay soo saartay Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa eedeen loogu jeediyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay jabisay cunaqabateynta Hubka ah ee saaran Somaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Dowladdda imaaraadka carabta Hub sharci darro ah ka iibiso Maamul Goboleedyadda dalka ka jira,sidoo kalana mararka qaar kaalmo ahaan u bixiso hubka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya.

Warbixinta lasoo saaray ayaa sidoo kale lagu sheegay in  caddeyn buuxda loo hayo Markab ay leedahay Dowladda Imaaraadka iyo sidoo kale alaabo mamnuuc ka ah Soomaaliya lagu afduubay Biyaha Soomaaliya,lana qabtay ka hor inta uusan soo gaarin Soomaaliya.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Midowga Yurub ayaa duubay Markabkaas oo tagay Xeebaha Soomaaliya,kaas oo labo doomood ay ugu yimaadeen halka uu ku soo xirtay islamarkaana laga dejiyay Hubkii uu waday.

Sidoo kale Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea   ayaa warbixinteeda ku xustay in dhismaha saldhigga Milatariga ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera uu xadgudub ku yahay cunaqabateynta saran Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna aysan ka jawaabin weydiimahooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here