Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu waddaa in ay maanta ka Amba-baxaan magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kalsoonan karo.
Safarkaan ayaa salka ku haya xiisadda khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Dowladda Soomaliya ku cadaadinaysa in ay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku tagaya Safarkiisa Labaad tan iyo markii la doortay 8 February ee sanadkaan 2017-da.

