Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo madax ka ahaa Guddiga taakuleynta Soomaalida Kenya ee dhowaan Muqdisho keenay lacag ay usoo ururiyeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii zoope ayaa ka hadlay iscasilaadda Wasiirkii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Federaalka Maryan Qaasim Axmed.
Waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wasiiradda ay isucasishay lacago yar oo laga soo aruuriyay shacabka SoOomaliyeed islamarkaana lagu wareejiyay shacabka Soomaliyeed.
“Haddiiba shilimaad yar oo dad masaakiin ah loo wado ay isu casileyso in taasi shaqada laga eryo ayay ahayd…” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal, waxayna arrintan mowduuc shidan ka noqotay baraha bulshada.
Dhanka kale Maryan Qaasim ayaa jawaab ay u dirtay Sheekh Umal, kuna qortay bogeeda twitterka waxay ku tiri:” “ولا تقف ما لیس لك بھ علم إن السمع والبصر والفؤاد كل أولئك كان عنھ مسئولا”,
Jawaabta wasiirka hore ayaa ahayd aayad qur’aan ah, waxaana muuqata inay Sheekha kula hadashay luqad uu garanayo, inkastoo baraha bulshada lasoo dhigay hadalkii Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo la jarjaray.

